Garoowe-shirkii saddex geesoodka ahaa oo maanta socda iyo kulamo kale oo xasaasi ah.

Aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta kasocda shirka saddex geesoodka ah ee dhexmaraya dowladda federalka ah ee Soomaaliya, dowladda Puntland iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Shirkaan oo shalay soo bilowday ayaa waxaa wejigiisii hore dhincyada ka qaybgelaya ay isugu maandhaafeen qaar kamid ah qodobadii shirka horyaaley gaar ahaan mowqifka dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo dalbatay aqonsiga maamulka Galmudug iyo gudiyada dhowaan barlamaanku ansixiyeen.

Kadib markii xalay laysku fahmi waayey qodobadaasi ayaa waxaa laysku deyey in qodobo kale loogudbo laakiin muhiimadda qodobadaan ayaa noqotay mid culus maadaama ay yihiin kuwa dhaliyey inta badan khilaafka dowladda iyo Maamulada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xilligaan ay shirku socdo ayna dhinacyadu ka hadlayaan qodobada horyaala, waxaana shacabku ay indhaha ku hayaan qodobada laysku hayo in xal laga gaaro dowladda federalkuna ay ka jwaabto su’aalo badan oo horyaal.

Isimo iyo aqoon yahano katirsan kuwa reer Puntland ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulamo khaas ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland iyo xubno kale, waxaana kamid ahaa dadkaasi Sheekh Cabdiqani Qorane oo beeshiisu Suldaan u magacowday dhowaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *